Akhriso:Qodobada ugu muhiimsan ee shirka Madaxda dowlad Goboleedyada

Magalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay maanta waxaa lagu wadaa in ay gaaraan qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada si ay uga qeyb galaan shir halkaasi uga furmi doona.

Qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta madaxda dowlad gonoleedyada ayaa haatan laga dareemayaa magalada Baydhabo’iyada oo maanta ammaanka siweyn loo adkeeyey,isla markaana ciidamo lagu arkayo wadooyinka qaar ee magalada Baydhabo.

Waa shirkii labaad oo ay yeeshaan madaxda dowlad goboleedgada,waxaana ay uga hadli doonaan xaalada siyaasadeed ee dalka,amniga wadashaqeynta madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada iyo qodobo kale.

Shirkaan ayaa markii lasoo gaba gabeeyo waxay madaxda ka qeyb gashay soo saari doonaan warmurtiyeed,waxaana sidoo kale shirkaan uu imaanayaa xilli qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada uu khilaaf ka dhaxeeyo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor