Akhriso:Maxaa ku soo kordhay booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya ee dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo) oo weli ku sugan dalka Jabuuti ayaa la filayaa in uu Maanta dalkaasi uga qeybgalo Munaasabaad xariga looga jarayo Dekad cusub oo laga dhisay Gudaha dalkaas.

Madaxweyne Farmaajo,ayaa Casuumaad ka helay dhigiisa dalkaasi Jabuuti waxaana kulan ay ku yeesheen Gudaha dalkaas ay ka wada hadleen sidii looga wada shaqeyn lahaa amniga iyo xiriirka dhanka dhaqaalaha ah oo labad dal dhexmara.

Munaasabada Xariga jarka ayaa waxaa la filayaa in ay ka hadlaan Madaxda dalkaasi Jabuuti iyo waliba Madaxweyne Farmaajo,iyadoo uu horay uga mahadceliyay Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Gobolka hiiraan kuwaas oo kamid ah Ciidamada Amisom.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media