Akhriso:-Xildhibaano & Wasiiro Shaaciyey in Madaxweyne Xaaf ku metelin Shirka Baydhabo

Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug oo kulan Maanta ku yeeshay Magalada Cadaado ayaa waxa ay kaga hadleen khilaafka Madaxda Galmudug,iyaga oo kulankooda War-saxaafadeed ka soo saarey.

Wasiirada iyo xildhibaanada ayaa War-saxaafaedka ay soo saareen oo ka koobnaa Afar qodob ayaa waxa ay ku sheegeen in Madaxweynaha Galmudug iyo madaxda kale ee la socota asyan Galmudug ku metelin shirkaas balse ay soo dhaweynayan waxyaabihii ka soo baxa.

In Madaxweyne xaaf iyo Xubno kale ay diyaarinayaan Ciidamo ay ku weeraraan deegaanada kale ee Galmudug,iyaga oo aan shaacin cid gaar ah.

In ay soo dhaweynayaan heshiis kasta ee dasuuri ah oo dhexmara Ahlusunna iyo Galmudug,waxayna Dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ugu baaqeen in aan taageero lasiinin Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Hoos Ka Akhriso War-saxaafadeedka ay soo saareen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media