Akhriso:-Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Go’aan ka gaaraya Xilheynta Wasiirka Dastuurka Soomaaliya

Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa Maanta la filayaa in ay kulankoodii Caadiga ahaa ku yeeshaan Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Guddoonka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay xildhibaanada ku wargeliyay in Maanta oo Arbaco ah ay soo xaadiraan kulanka Baarlamanka Soomaaliya si looga hadlo arinta ku aadan Wasiir Xoosh.

Xildhibaanada Baarlamanka ayaa kulankooda Maanta la filayaa in ay Go’aan uga gaaraan Kiiska Wasiirka Arrimaha Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil, kaasoo muran ka dhex galay Baarlamaanka dhexdiisa.

Lama oga Go’aanka ay xilheynta Wasiirka Dastuurka Soomaliya ka qaadan doonaan Xildhibaanada Shacabka ayaana Maanta indhaha ku haya waxyaabaha ka soo bixi doona kulanka Baarlamaanka iyada ay xusid mudan tahay in Wasiir Xoosh uu dalka Dibaddiisa ku maqan yahay./

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media