Akhriso:-Xildhibaan Fiqi”Jidadka Ciidan waa lagu xiri karaa balse sharciga iyo dastuurka lama xiri karo”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ee sidaweyn uga soo horjeeda mooshinkii laga gudbiyey Jawaari  ayaa ka hadlay kulanka Berri la iclaamiyey iyo halka uu ku dambeyn doono.

Fiqi ayaa sheegay in Wadooyinka la xiri karo balse aan Sharciga iyo Dastuurka dalka u yaalla aan la xirin Karin,isaga oo u muuqday mid ka jawaabayey warar sheegayay in wadooyinka qaar ee Muqdisho Caawa in ay xiran yihiin.

“Jidadka ciidan waa lagu xiri karaa wax kastaba haloola jeedee, balse sharciga iyo dastuurka lama xiri karo, xoog waa la isku dayi karaa balse xeerku waa midka loo soo noqonayo oo saxda ah”

Sidoo kale waxa uu sheegay in waqtigaan dalka uu wajahayo xaalad adag balse qofkii arrinta taagan xalin lahaa uusan meesha uga muuqan,balse marka ugu dambeysa Go’aan rasmi ah la gaari doono.

Waxa uu hadalo dardaaran ah u jeediyey Saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya,isaga oo ugu baaqay in aysan ku milmin isjiid jiidka Siyaasadeed ee haatan dalka ka socda.

“Ciidamadu qaranka iyo dastuurka ayay difaac u yihiin, golaha barlamaankuna waa hey’adda mar kasta xuquuqdooda u dooda, qof madax ahi waa yimaadaa waana baxaa waxaan u soo jeedinayaa in aysan siyaasadda iyo isjiidjiidka jira ku milmin, oo shaqadooda ah amniga ay ku ekaadaan”

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Xildhibaanada badbaadada barlamaanku ay weli u taagan yihiin difaaca dastuurka iyo in hey’adda barlamaanku ay sii shaqeyso ayadoo ka madax banaan faragalin iyo saamayn dibadda ah ama in ay hey’adda fulintu ay qabsato.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media