Akhriso:-Weerar Bambaano oo Caawa lagu qaaday Mid ka mid ah Xarumaha degmo ka tirsan G/Banaadir

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya bam Gacmeed khasaaro geystay oo Caawa lagu weeraray Xarunta Maamulka degmada Waaberi ee gobollka Banaadir

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in xilliga  bam gacmeedka lagu weerarayay Xarunta Maamulka degmada Waaberi ay ka socotay Xaflad lagu abaal marinayey Carruur ku tartantay Qur’aanka Kariimk,isla markana hal ruux u ku dhaawacmay.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in ay wadaan haatan baaritaano ku aadan dadkii bam gacmeedka ku soo weeraray Xarunta degamada,isla markaana ay dib ka faah faahin doonaan.

Dadka deriska la’ah ayaa aad uga naxay jug ay ka maqleen Xarunta degamda,iyada oo la ogaa in ay ka socoto Xaflada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor