Akhriso:- Wasiiru dowlaha Boostada iyo Isgaarsiinta oo ka hor yimid dhismaha Guddigii uu Magacaabay Wasiirka..

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa shaciyey in uu ka soo horjeedo Guddiga Isgaarsiinta Qaranka ee uu dhawaan Magacaabay Wasiirka Wasaaradaas.

War qoraal ah oo uu Wasiiro dowlaha Soomaaliya Cabullaahi Bile Nuur uu u gudbiyey Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur ayuu ku soo bandhigay cabashada Shirkadaha Isgaarsiinta dalka iyo maamul goboleedyada ka keeneen xubnaha Guddiga Isgaarsiinta Qaran oo Hal shirkad u badan taas oo uu ogeysiiyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Waxa uu Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ku eedeeyey in isaga iyo Wasiir ku xigeenka uusan kala tashan magacaabida Guddiga Isgaarsiinta Qaranka,waxa uuna ku baaqay in la isugu yimaado shir deg deg ah si xal looga gaaro diidmada ka timid Xeerka Isgaarsiinta Qaranka.

Waxaa kaloo uu sheegay in soo xuliyada iyo Magacaabistaas ay muhiim tahay in ay doorweyn ku lahaadaan Shirkadaha Isgaarsiinta dalka iyo Maamul goboleedyada.

Hoos Ka Akhriso Warka qoraalka ah ee Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor