Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar Caawa fiidkii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen Bar-koontorool oo Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida ku leeyihiin deegaanka Siinka-dheer ee duleedka Muqdisho.
Dadka dregaanka ayaa waxa ay sheegeen in mar qura ay maqleen dagaal culud oo dhexmaray Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday iyo ciidamada dowladda balse aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay.
Saraakiisha hay’adaha Amniga ayaa iyana dhankooda waxa ay sheegeen in ay iska difaaceen weerarka Al-Shabaab kaga yimid,isla markaan ay khasaaro gaarsiiyeen.
Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray labada dhinac ee dagaalamay,waxaana isku-socodka dadka iyo Gaadiidka xaafadaha ku dhow dhow deegaanka Siinka-dheer.
Marka laga soo tago hadalka hay’adaha amniga ee ah inay iska difaaceen weerarkii lagu qaaday koontoroolka Siinka-dheer Al-Shabaab dhankooda kama hadlin weeraraas ay Caawa ku qaadeen koontoroolka laga soo galo Muqdisho.