Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay Xiisada ka taagan Bariga Gobolka Mudug

Waxaa Maanta Xaalad deganaansho ah laga dareemayaa deegaanada Bali-Busle iyo Ceel-Waal ee Gobolka Mudug halkaas oo saacadihii la soo dhaafay ay ku wada dagaalamyeen laba Maleeshiyo Beeleed oo ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Goobtii lagu dagaalamay ayaa waxaa weli ku sugan labadii Maleeshiyo beeleed,waxaana markasta la filan karaa in ay wada dagaalamaan in kastoo Waxgaradka ku nool Gobolka Mudug ay haatan wadaan waan waan ku aadan sidii dagaalkaas loo joojin lahaa.

Xog ay heleyso Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegeeysaa in Maanta deegaanadii lagu dagaalamay ee Gobolka Mudug ay ku wajahan yihiin Masuuliyiin ka kala socda Maamulada Puntland iyo Galmudug si xal looga gaaro dagaal Beeleedyada ku soo laab laabtay deegaanada Waqooyiga Bari ee Gobolka Mudug.

Wararkii ugu dambeeyay ee haatan na soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay iminka tahay mid degan islamarkaana uusan jirin wax dagaal ah oo halkaasi ka socda balse ay weli taagan tahay xiisadii u dhaxeysay labada Maleeshiyo Beeleed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media