Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay ee xiisada Magaalada Gaalkacyo

Xalay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa laga maqlayay Rasaas Goos Goos ah oo ay isku ridayeen Maleeshiyaad kala taabacsan Maamulada Puntland iyo kuwa Galmudug.

Dadka ku nool Xaafada Garsoor oo ah halka laga maqlayay rasaasta ayaa xalay cabsi soo wajahday.

Wararkii ugu dambeeyay ee Saakay aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan isla markaana isku socodka dadka iyo Goobaha Ganacsiga ay yihiin kuwo caadi ah.

Shalay Gaalkacyo waxaa ka dhacay Kulan looga hadlayay Nabadgelyada Gobolka Mudug walow ay muuqato in weli ay xiisadu taagan tahay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media