Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Baydhabo

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa qarax ismiidaamin ah oo geestray khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxa uu ka dhacay Maqaayad ku taalla Bartamaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Ruux naftii hure ah oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay in uu isku qarxiyay Maqaayada Barwaaqo oo ku taalla Bartamaha Baydhabo agagaarka Dahabshiil oo ku dhow Afar Irdoodka halkaas oo ay ku sugnaayeen dad Shacab u badnaa.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha rasmigaa aha ee ka dhashay weerarkaas Ismiidaaminta ah.

Ilaa 3 Ruux ayaa la sheegay in ay ku geeriyooden qaraxaas halka 5 Ruux oo kale ay ku dhaawacmeen sida ay sheegeen dad ku sugnaa Gudaha Maqaayada xiliga qaraxa uu dhacayay.

Waa markii Saddexaad oo qarax ismiidaamin ah uu ka dahco Maqaayadaas oo aan la ogeyn ilaa iyo hadda sababta loo beegsanayo, sida ay Dalsan u sheegeen Saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxaas ayaa la geeyay Goobaha caafimaad eek u yaala Baydhabo,iyada oo saacadaha na soo aadan la filayo in Saraakiisha iyo Masuuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed ay faah fahin ka bixiyaan qaraxaas

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media