Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay ee Magacaabista Golaha Wasiirada Puntland

Cabduweli Maxamed Cali Gaas,Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland ayaa haatan waxa uu wadaa qorshaha ku aadan sidii uu u soo dhisi lahaa Golihiisa Wasiirada Cusub kadib markii bartamihii bishii hore ay barlamaanka xukuumaddii hore xasaanadda kala laabteen.

Latashiyo kala duwan ayuu la leeyahay Madxweyne ku xigeenkiisa Cabdixakiin Xaaji Cumar cameey,iyo sidoo kale Waxgaradka Puntland si ay u yaraato dhaliisha ku aadan Wasiirada uu soo Magacaabi doono maalamaha soo socda.

Wararka qaar ay Dalsan heleyso ayaa waxa sheegayaan in Madaxweyne Gaas,uu inta badan Gacanta ku hayo Liiska Golaha Wasiirada wadatashi kadibna uu soo Magacaabo doono.

Qaar kamid ah wasiiradii hore ayaa lafilayaa inay ku soo laabtaan xilal koodii, halka kuwa kalena xilalka loo kala bedeli doono, sida xoguhu sheegayaan,waxaana si aad ah isha ugu haya Shacabka Puntland oo ka sugaya Golo Wasiiro tayo leh oo wax ka qabta dhibaatooyin ka jira Puntland

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media