Akhriso: Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii ka dhacay Magalada laas-Caanood

Waxaa saakay degan xaalada Magaalada laas-caanood ee deegaanada maamulka Somaaliland halkaas oo shalay ilaa xalay maqribkii ay ku wada dagaalameen Ciidamada Maamulka Somaaliland iyo dhalinyaro careysan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidanka Somaaliland xireen ilaa 50,Oday dhaqameed oo kamid ah waxgaradka Magaalada laas-Caanood,taas oo keentay in dhalinyarada ay ka caroodaan islamarkaana ay dagaal kala hortagaan Ciidamada Booliiska Maamulka Somaaliland.

Qaar kamid ah dadka ku sugan Magaalada laas-Caanood oo aan la xiriirnay ayaa waxay sheegayaan in jawiga uu yahay Maanta mid degan,islamarkaana qaar kamid ah waxgaradka Magaalada ay waan waan iminka wadaan.

Weli lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas,welina kama hadlin masuuliyiinta Maamulka Somaaliland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media