Akhriso:-Wararkii u dambeeyey ee shirka Amniga Maamulka Jubbaland

Magalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa Maalintii labaad ka socda shirka Golaha Amniga dowlad goboleedka jubbaland kaas oo looga hadlayo arrimaha amniga.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayo madaxweynaha dowlad goboleedka jubbaland Axmed Madoobe,xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo saraakiil ka socota Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Kulanka oo shalay ka furmay Kismaayo ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii gacanta loogu dhigi lahaa deegaanada ka maqan maamulka Jubbaland oo ay maamulaan Al-Shabaab,iyada oo aysan dhibaato ka soo gaarin dadka rayidka ah.

Sidoo waxaa laga hadlay howlgalladii u dambeeyey ee ciidamada dowladda iyo kuwa jubbaland ay ka sameeyeen duleedka kismaayo oo ay deegaano horleh kula wareegeen.

Gaba gabada shirkaas ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobo muhiim ah oo ku saabsan amniga deegaanada jubbaland,iyada oo saraakiisha AMISOM iyo kuwa jubbaland ay warbixino amniga ku saabsan ay  kulanka ka jeediyeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor