Akhriso:-Wararkii u dambeeyey duufaano ku dhuftay Puntland iyo Soomaaliland

Dadaalo ku aadan u gurmashada dadka ay saameeyeen roobabka wata duufaanada ee ku dhuftay Soomaaliland iyo Puntland ayaa ka socda halkaasi,iyadoo dowlada goboleedka Puntland uu sheegay in ay jiraan qasaarooyin ka dhashen musiibooyinkaasi.

Duufaantaasi ayaa la sheegay in ay geystay qasaarooyin naf iyo maal,xeebaha gobolka Bari waxaa la la’yahay dooman iyo shabaagyo oo ay la haayeen kalluumeysato,sidoo kale wadada isku xirtay Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland ayaa go’doonsan kadib markii daadab ka dhashey roobabkaasi dabeylaha watay.

Wasaaradda arrimaha Gudaha Puntland ayaa shaacisay in ay diyaariyaan dad kala duwan oo isugu jira mas’uuliyiin iyo quburo,kuwaasi oo si koox koox ah u soo qiimeyn doonaa baaxadda saameynta dabeylahaasi.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntaland Maxamed Cali Nuur(Jubba) ayaa faah faahiyay saameynta ka dhalatay roobabkaasi oo wata dabeylo xoogan.

“Waxaa la dirayaa dad soo qiimeeya xaaladaha ka dhashey duufaantaasi,waxaa kujira gudoomiyaasha degmooyinka iyo xubno kale,waxaa la adeegsanaya aaladda casriga ah ee Internetka si loo fududeeyo uruurinta xogaha ee deegaanada kala fog,ujeedka waa in la diyaariyo gargaar dadkaasi la gaarsiyo”. Ayuu yiri Agaasime JUbba.

Meelaha ay ka da’een roobabka dabeylaha wata waxaa kamid ah deegaano kuyaala gobolada Sanaag iyo Bari oo ka kala tirsan Soomaaliland iyo Puntland,maalmahan waxaa jirtay digniino ay soo saarayaeen quburo ku xeel dheer arrimaha cimilada,kuwaasi oo sheegay in laga yaabo roobab duufaano wata oo ku dhuftay qeybo kamid ah Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor