Akhriso:-Wararkii u dambeeyey dil iyo qarax ka dhacay Muqdisho

Rag hubeysan ayaa Caawa qeybo ka mid ah degmada Dharkenley waxa ay ku dishay laba ruux oo la sheegay in mid ka mid ah uu ahaa Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dilka ayaa waxa uu sigaar ah uga dhacay Waaxda 1aad ee degmadaasi Dharlenley,waxaan dadka deegaanka ay Dalsan u sheegeen in raga oo ku hubeysnaa bustoolado ay labadaasi ruux toogteen laakin marka lagasoo tago askariga aysan ogeyn qofka kale waxa uu ahaa.

Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday,waxaana daqiiqado kadib goobta gaaray Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya in kastoo aysan gacanta ku dhigin dadkii ka dambeeyey dilka labada ruux.

Dhinaca kale isla Caawa ayaa gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya waxaa qaarx lagula eegtay inta u dahxeysa Haantadheer iyo Isgoyska EX-koontorool qaraxaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Inta la xaqiijiyey 3 Ruux oo Sahcab ah ayaa qaraxaas ku geeriyootay halka 2 Askari ay ku dhaawacmeen sida ay sheegeen dad tegay goobta uu qaraxa ka dahcay oo ah inta u dhaxeysa Haantadheer iyo Isgoyska Ex-koontorool Afgooye.

Dadka ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah Wiil u dhalay Nin ka Ganacsada Geella ee ka keena Afgooye kaas oo Magaciisa lagu sheegay Ciise.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa Magalada Muqdisho waxaa kusoo kordhay dilalka qorsheysan,waxana habeenadii aan soo dhaafnay muqdisho ka dhacay dilal dowr ah oo ay sheegteen in ay ka dambeeyeen Al-Shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media