Akhriso:-Wararkii u dambeeyey dagaal ka socda Tukaraq

Arroornimadii hore ee saakay ayaa markale dagaal culus uu ka qarxay deegaanka tukaraq ee gobolka Sool kaas oo u dhaxeeya ciidamada Maamulada Puntland iyo Soomaaliland.

Dagaalka oo aad u culus ayaa dadka deegaanka waxa ay soo sheegayaan in hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsanayo,isla markaana uu aad u culus.

In kastoo aan weli sidhab ah loo ogeyn khasaaraha uu geystay dagaalka ayaa hadana labada dhinac waxa ay kala sheeganayaan in mid walba uu guul ka gaaray dagaalkaas.

Jawiga tukaraq ayaa saakay ah mid kacsan iyada oo aysan jirin cid kala dhex gashay ciidamada wada dagaalamaya marka laga soo tago baaqyo loo jeedinayo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor