Akhriso:-Wararkii u dambeeyey Al-Shabaab oo Caawa la wareegay deegaanka Baxdo ee G/Galgaduud

Wararkii ugu dambeeyey ee haatan naga soo agaraya deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud oo ay Caawa la wareegeen Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegayaan in ay dib uga laabteen.

Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in iyada oo aan dhicin wax dagaal ah in ay deegaankaas tageen,isla markaana dadka ku nool deegaankaas ay la hadleen.

Qaar ka mid dadka deegaanka Baxdo ayaa waxa ay inoo sheegeen in saraakiisha Al-Shabaab ay u sheegeen in ay soo booqdeen kaliya,isla markaana uusan jirin wax dhibaato ah.

Wararkii u dambeeyey ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu iminka ay tahay mid degan,Al-shabaabna ay dib uga laabteen halka Maamulkii deegaanka ay iyana deegaano kale aadeen.

 

Weli masuuliyiinta Maamulka Galmudug weli kama hadlin la wareegitaanka deegaanka Baxdo ee Al-Shabaab. 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media