Akhriso:-Wararkii u dambeeyay weerar ka dhacay Degmada Afgooye

Ciidamada Al Shabaab ayaa xalay weerar qorsheysan waxa ay ku qaadeen Degmada Afgooye, gaar ahaan Saldhigyada ciidamada ay ka joogaan Degmadaasi.

Weerarkaan oo daba socda hawlgal qorsheysan oo ciidamada Xoogga dalka Somaliya ay ku qaadeen deegaanada Mubaarak, Awdheegle iyo Farsooley ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa wararka waxa ay sheegayaan in Shabaab ay la eegteen Saldhigyada ciidamada.

Xoogaga Shabaab oo watay ciidamo badan oo careysan ayaa dagaalkaasi soo qaaday, waxaana halkaasi looga dilay saddex ka mid ah ciidamada sida Saraakiisha ay sheegeen.

Col. Jaamac Muraad oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa wuxuu sheegay ciidamada Shabaab ee weerarka soo qaaday inay ka dhaawaceen afar nin oo raggii dagaalka soo qaaday ka tirsanaa.

Dhankooda wuxuu sheegay wax khasaare ah inuusan dagaalka ka soo gaarin, xaaladdana ay tahay mid degan.

Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa shalay subax weerar qorsheysan ku qaaday Mubaarak iyo Awdheegle oo Shabaab Saldhigyo ciidan ay ku leeyihiin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media