Akhriso:-Wararkii u dambeeyay ee weerarkii lagu qaaday deegaanka Bariire

Weerar culus ayaa saakay aroortii Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab waxa ay ku qaadeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ay horay loogala wareegay.

Weerarka ayaa sida la sheegay markii hore ku bilaawday Gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lala beegsaday Saldhig ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanka Bariire.

Dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka bilaawday deegaanka Bariire kaas oo qaatay wax ka badan 2 Saacadood.

Ilaa iyo hadda maca khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas ee kala gaaray ciidanka dowladda iyo kuwa Al-Shabaab ee wada dagaalamay waxaana dadka deegaanka qaarkood ay Dalsan u sheegeen in uu jiro khasaaro balse aysan cadeyn Karin.

Al-Shabaab War ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in ay deegaanka Bariire la wareegeen isla markaana ay ku qabsadeen hub iyo waliba Gaadiid ciidan sida ay hadalka u dhigeen.

Majiraan Warar Madaxbanaan oo xaqiijinaya Warka ka soo baxay Al-Shabaab welina dagaalkaas kama hadlin dhankooda Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media