Akhriso:-Wararkii u dambeeyay ee weerar ka dhacay duleedka Muqdisho

Ciidamo la aaminsan yihiin in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab ayaa saakay waxa ay Wadada u galeen Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM xili ay marayeen meel aan ka fogeyn inta u dhaxeysa Carbiska iyo deegaanka Lafoole ee duleedka  Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegeen in Ciidamada AMISOM  Gadiidkooda ku rideen Qoryaha Garabka laga tuuro walow la sheegin in aysan la helin.

Intaasi ka dib waxaa bilaawday dagaal u dhaxeeyay Ciidamada AMISOM iyo raggii Wadada u galay ee Al-Shabaab.

Ciidamada Amisom ayaa afarta jiho u riday rasaas farabadan oo ka dhacayay qoryaha u saaran dusha sare ee Baabuurta, halka Shabaab ciidankooda rasaasta ay la beegsanayeen gaadiidka Amisom.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in uu jiro khasaaro dhimashada 16 ruux ah oo ay ciidamada AMISOM dileen dagaalka ka dib sidoo kale  dhaawac dad saarnaa Gaadiidka dadweynaha oo Wadada marayay.

Xaalada goobtii lagu dagaalamay ayaa haatan degan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo hadda Goobta Gacanta ku haya.