Akhriso:-Wararkii u dambeeyay ee Magacaabista Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle

Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxaa caawa laga dareemayaa Magacaabista Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle oo laga sugayo Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweyne Waare oo Maalmahaan ku sugnaa Baladweyne oo Galabta ku soo laabtay Jowhar ayaa wadatashiyo ku aadan Magacaabista Golihiisa Wasiirada la yeeshay Odayaasha Dhaqanka Baladweyne.

Wararka aan Caawa ka heleyno Magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in weli uu Madaxweyne Waare uu wado wadatashiyadii u dambeeyay ayna macquul tahay in Maalinta Berito ah uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada.

Siyaasiyiin farabadan oo xildoon ah ayaa Caawa Jowhar ku sugan,waxaana horay u jirtay in Madaxweyne Waare iyo Xildhibaanada Hir-Shabeelle ay isku khilaafeen qaabka loo soo Magacaabayo Wasiirada walow markii dambe la xaliyay

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media