Akhriso:-Wararkii u dambeeyay ee dagaalo ka dhacay Magaalada Marka

Xaalad deganaansho ah ayaa Saakay laga dareemayaa Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe halkaas oo xalay ilaa Shalay gelinkii dambe ay ku wada dagaalameen Ciidamo kala taabacsan laba Maleeshiyo beeleed.

Dagaaladaan oo ah kuwo soo laab laabtay,ayaan la ogeyn khasaaraha rsmiga ah ee kala gaaray dagaalkii ugu dambeeyay ee ku dhex maray Magaalada Marka.

Dhawaan Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ay sheegeen in dagaaladaas ka socda Magaalada Marka ay yihiin kuwo Siyaasadeed oo u dhaxeeya laba Maleeshiyo Beeleed oo mudo dhowr sano ah ku dagaalamayay.

Siyaasiyiinta iyo Masuuliyiinta dowladda ka tirsan ee ka soo jeeda gobolka Shabeellaha Hoose weli kama hadlin dagaal beeleedyada ka socda Gobolkaas,waxayna sheegeen in ay dhawaan ay bilaabi doonaan sidii dagaal beeledyadaas xal buuxa looga gari lahaa.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media