Akhriso:-Wararkii u dambeeyay ee dagaalka deegaanka Tukaraq

Aroornimadii hore ee saakay ayaa waxaa dagaal culus uu ka qarxay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool kaa soo u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo kuwa Maamulka Soomaaliland.

Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo saaka weerar ku qaaday saldhig ciidamada Soomaaliland ay ku leeyihin duleedka deegaankaasi ayaa  lagu soo waramayaa inuu  iskiis u istaagay dagaalkii saaka dhexmaray ciidamada Puntland iyo Soomaaliland.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa labada dhinac soo kala gaaray sida ay sheegayaan dadka deegaanka wallow aan sirasmi ah loo ogeyn khasaaraha uu geystay,waxana hadda lagu soo waramaya in uu istaagay dagaalkii.

Weli saan saan colaadeed ayaa halkaasi lag dareemayaa,waxana ku sugan Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland,welina labada dhinac dagaalkaas kama hadlin.

Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool oo Qiyaastii 86km u jira Magaalada ayaa 8 Bishaan waxaa dagaal kula wareegay ciidamada Maamulka Soomaaliland waxaana intaas wixii ka dambeeyay socday Guluf colaadeed oo ay labada dhinac wadeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media