Akhriso:-Wararkii u dambeeyay ee dagaalka Al-Shabaab iyo Muqtaar Rooboow

Xaalad deganaansho ah ayaa laga dareemayaa deeganadii saacadihii la soo dhaafay ay ku wada dagaalameen ciidamada Al-Shabaab iyo kuwa uu wato Muqtaar rooboow Abuu Mansuur ee ka dhacay gobolka Bakool.

Shalay Gelinkii dambe ayaa Al-Shabaab ay weerareen fariisinka Muqtaar Roobow ee deegaanka Abal,waxana halkaasi ka dhacay dagaal socday mudo Saacad ku dhow.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in Muqtaar Rooboow iyo ciidamdiisa ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhanka Shabaab islamarkaana ay haatan ku sugan yihiin deegaanka Abal.

Dhanka kale waxaa deegaanka Abal gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya,si ay u xoojiyaan kuwa Muqtaar Rooboow oo dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Wararkii u dambeeyay ee nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Muqtaar Rooboow ay haatan wadaan dhankooda dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan in ay iskaga diafaacaan l-Shabaab.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media