Akhriso:-Wararkii u dambeeyay ee Caawa dagaalkii ka dhacay Bariga Gobolka Mudug

Barrigga gobolka Mudug ayaa saakay aroortii waxaa ka bilowday dagaal u dhexeeya ciidamo u badan maleeshiyo oo hubaysan kuwaas oo weerar ku qaaday goob ay  degenyihiin dad Xoolo dhaqato ah balse hubeysan.

Inta la xaqiijiyey 11 Qof ayaa ku geeriyootay sidoo kalana waxaa ku dhawacantay 32 Qof kuwaas oo u badan dadkii dagaalku uu ku dhexmaray deegaanada Gacnafalle iyo sidoo kale Koonfurta deegaanka Godod.

Waxgarad ka baxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ku baxay deegaanadii saaka uu ka bilowday dagaalka kuwaas oo markii danbe ku guulaystay Joojinta Colaadaas.

Dagaalkan ayaa daba socday dagaal horay uga dhacay Barigga gobolka muddo laga jooggo 3 Bari kaas oo waxyeelo u badan dhaawac horay uga gaystay deegaanka Saaka uu dagaalku dhacay iyo deegaano u dhow.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media