Waxaa weli xiisad dagaal ay ka taagan tahay deegaanka tukaraq ee gobolka Sool halkaas oo shalay dagaal culus uu ku dhex maray Ciidamada Maamulada Puntland iyo Soomaaliland.
Dagaalkii shalay ayaa labada dhinac waxa ay ka sheeganayeen guulo,iyada oo sidoo kale midba midka kale ku eedeynayay in dagaalka uu kusoo qaaday,waxaana jiray khasaaro labada dhinac dagaalkaas kasoo gaaray.
Wararkii u dambeeyey ee haatan nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah oo ay labada dhinac isku ridayaan.
Beesha Caalamka ayaa dagaalkaas walaac ka muujisay,iyaga oo ku baaqay in sideg deg ah loo joojiyo.