Akhriso:-Warar ku saabsan Shirka Amniga Qaranka ee Baydhabo

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maalintii labaad ka socda Shirka Amniga Qaranka kaas oo ay ka qeyb galayaan Madaxda dowladda iyo kuwa Dowlad goboleedyada.

Shirka uu furay Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay waxaa looga hadlay arrimaha amniga dalka iyo qodobo kale waxaa madaxda dowlad Goboleedyada ay si kulul uga hadleen xaalada amni ee dalka iyo sida loo sugi karo.

Madaxda Dowlad Goboleedyada Jubbaland,Koonfur Galbeed,hir-Shabeelle Puntland,iyo Galmudug oo khudbadaha ugu badan jeediyey ayaa aad ugu dheeraaday ka hadlida amniga dalka iyo mad madowga ka dhex jira Dowlada iyo dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) ayaa shirka ka sheegay in dowladdu aysan u arag Dowlad goboleedyada xisbi siyaasadeed oo la tartamaya.

Maanta oo Talaado ah ayaa la filayaa in shirkaas la soo gaba gabeeyo,isla markaana laga soo saaro Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay ku heshiiyeen Madaxda shirka ka qeyb gashay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media