Akhriso:-War-Saxaafadeed laga soo saaray shirkii u dhaxeeyay Amisom iyo dowlada Soomaaliya

Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Shirkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Amisom kaas oo ka socday Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo socday mudo 4 Malmood ah ayaa waxaa looga hadlayay qodobo ay ka mid yihiin sida ugu wanaagsan ee Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay amniga dalka kala wareegaan Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom.

Gabagabada kulanka ayaa waxaa lagas oo saaray qodobo ay ka mid yihiin in Ciidamada Soomaaliya hada lagu wareejiyo Baraha ay ku sugan yihiin ciidamada Amisom.

In Midowga Afrika ay ka qeyb qaataan dhismaha Ciidamada kala duwan ee dowladda federaalka Soomaaliya.

In laxoojiyo dardargelin holwgalada ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay siwadjir ah u fulin doonaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa amisom.

In Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya lasiiyo tababaro dheeraad ah qalabkii ay ku Shaqeyn lahaayeen si ay u hantaan amniga dalka.

Ugu dambeyn in Amisom ay garab istaagto sidii dowladda Federaalka Soomaaliya ay udhisi laheyd Ciidamo iskudhaf ah oo hanta guud ahaan amniga dalka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media