Akhriso:-Tirada Ardayda Baladweyne ee Maanta u fariisanaya Imtixaanka kama dabeysta ee..

Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in Ardayda Dugsiyada sare ee Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ay u fariistaan Imtixaanka kama dambeysta ah ee Shahaadiga.

Ardaydaas ayaa ka baaqsaday imtixaankii ay qaadeysay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya,kadib markii Iskuuladooda uu saameeyay fatahaadii Wabiga Shabeelle ee Baladweyne.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya C/Raxmaan Daahir Cusmaan oo shalay gaarey Baladweyne ayaa Maanta u furaya Imtixaanka 1400,oo Arday oo sanadkaan ka qalan jebinaya dugsiyada Sare ee Magaalada Baladweyne.

19kii Bishii la soo dhaafay ee May ayaa Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya waxa ay qaaday imtixaanka mideysan ee dugsiyada Sare kaas oo si isku-mid ah looga qaaday Ardayda deegaanada maamulada,Puntland,Koonfur Galbeed,Jubbaland,Galmudug iyo deegaanada kale ee Hir-Shabeelle marka laga reebo Baladweyne.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor