Akhriso:-Taliye Cusub oo loo Magacaabay Hoggaanka Isgaarsiinta Booliska Soomaaliya+Sawirro

Wareegto ka soo baxday xafiiska Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen,Bashiir Cabdi Maxamed(Ameeriko) ayaa waxaa taliye Cusub loogu Magacaabay Hoggaanka Isgaarsiinta Booliska Soomaaliya.

Taliyaha xilkaas loo dhiibay ayaa waxaa lagu Magacaabaa Gashaanle Sare Cabdikariim Xuseen Macalin,isaga oo bedelay taliyihii hore ee hogaanka Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Gashaanle Sare Cabdikariim Xuseen Macalin oo mar soo noqday taliyayaha ciidamada Miina-baarista iyo taliyaha Akademiyada ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa horyaala Shaqooyin adag oo ay ka mid tahay isku-xirka hogaanada Ciidanka booliska Soomaaliya xilliyada ay Shaqada ku jiraan.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in Magacaabistaan ay qeyb ka tahay dib –u dhiska iyo horumarinta lagu sameynayo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee u diyaarsan sugida amniga dalka.

Horay ayaa waxaa isbedel loogu sameeyey qaar ka mid ah taliyayaasha Saldhigyada Booliska ee Muqdisho,kuwaas oo loo dhiibay saraakiil Dhalinyaro ah oo ku soo biiray Ciidanka booliska Soomaaliyeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor