Akhriso:-Taariikh Nololeedka Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga DFS

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhiiga ee XFS waxaa maanta loo magacaabay Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo aan ku cusbayn Masraxa Siyaasadda ee Somalia.

Wasiirka Cusub waxa uu ku dhashay magaalladda Baydhabo sannadkii 1957-kii, wuxuuna W/barashadiisa ilaa Dugsiga Sare ku soo kala qaata magaallooyinka Baydhabo iyo Muqdisho.

Inta uusan ku soo biirin Hay’addaha Dowladda waxa uu mar soo noqday Ku-xigeenka Guddoomiyaha Baydhabo, wuxuu kale caan ku ahaa Hawlaha Bulshadda, isagoo gacan ka geysta Biyo-gelinta magaalladda Baydhabo iyo sidii Teknoolajiyadda Casriga loo gaarsiin lahaa Baydhaabo.

Dadka isaga jaalka la ah ama ay isla soo shaqeeyeen waxay kaloo sheegaan inuu Dugsi lagu barto Kombiyuutarka iyo Software-ka ka hirgeliyey Baydhabo xilli ay Reer Baydhabo u soo aadi jireen Muqdisho, si ay u bartaan Kombiyuutarka iyo Teknoolajiyada Elektoroonika.

Maxamed  Mursal Sh. C/raxmaan waxa uu Waxbarashadiisa Jaamacadeed ku soo qaatay dalka Yemen, wuxuuna ka soo qalin jebiyey Jamaacadda Sayniska iyo Teknoolajiyadda (University of Science and Technology) oo ku taalla Caasimadda dalkaasi ee Sanca.

Waxa kale oo uu Shahaaho ama Diploma ka haystaa Teknoolajiyada Warfaafinta (Diploma of Information Technology) iyo Shahaadada  Xiriirka Dadweynaha (Diploma of Public Relation).

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan waxa uu dadaal dheer kadib nasiib u yeesho in loo magacaabo Xil Danjirenimo.

Danjire Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan waxa uu Waraaqihiisa Aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyey Madaxweynihii hore ee  Turkiga, Cabdalla Guul taariikhdu markay ahayd  bishii July 6-dii ee sannadkii 2012-kii.

Danjire Maxamed Mursal waxaa Xilkaasi laga qaaday bishii May 28-dii ee sannadkii 2015-kii, kadib, markii ay soo baxeen Cabasho iyo Dhaliil ka dhex jirtay Safaaradda Somalia ku lahayd Turkiga.

Maxamed Mursal Sh. C/qaadir waxaa uu bishii November 25-dii ee sannadkii 2015-kii noqday Wasiirkii Korantada iyo Biyaha ee Xukuumaddii Ra’isul-wasaare Cumar C/rashiid.

Tan iyo markii ay Dowladdii Federalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud laga guuleystay, Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan wax Xil Dowladeed ma haynin ilaa maanta oo uu Ra’isul-wasaare Xasan Cali Kheyre u magacaabay Xilka Wasiirka Difaaca ee XFS.

Wasaaradda Difaaca ayaa Bilaa Wasiir ahayd tan iyo bishii October 12-dii ee sannadkan, kadib, markii uu Wasiirkii hore, C/rashiid C/llaahi Maxamed iska casilay Xilkaasi.

Magacaabista Wasiirka Cusub ee Difaaca ee XFS  ayaa ku soo beegantay xilli ay DFS dhowr jeer shaacisay Hawlgal Cusub oo lagula dagaalamayo Alshabaab.

Si kastaba ha ahaatee, Khubarada Ciiddamadda ayaa rumeysan in Wasaaradda Difaaca  loo magacaabay Wasiir aan Khibrad iyo Takhasus u lahayn Arrimaha Ciiddamadda iyo Istaraatijiyadda Dagaalka.

W/Q/ Cabduqaadir Jakaarta

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media