Akhriso:-Taariikh Nololeedka Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Turkiga+Sawirro

Madaxweyne Rajab Axmed Dayib Erdogan waxaa mar kale loo doortay Xilkaasi oo uu hayey tan iyo sannadkii 2014-kii. Rajab Dayib Erdogan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda magaalladda RIZE oo caasimad u ah Gobalka RIZE ee Bariga Turkiga waxa uu ku dhasshay Xaafadda Kasimpasa  ee magaalladda Istanbul 26-kii Feberaayo ee sannadkii 1954-kii.

Waxa u carruurnimadiisa ku so oqaatay magaalladda RIZE, halkaasi oo uu Aabihiisa ka mid ahaa shaqaalaha Ilaaladda  Xeebaha.

13-jirkiisa ayey Qoyskiisa dib ugu so olaabteen magaalladda Istanbuul.

Maadaama uu ka soo jeeday Qoys Sabool waxa uu Rajab Erdogan bilaabay inuu Sharaabka Liinta iyo Sisinta ku iibin jirey Waddooyinka magaalladda Istanbuul.

Waxa uu W/barashadiisa Dugsiga Hoose/Dhexe ku soo qaatay Dugsiga Kasimpasa Piyala Primary School sannadkii 1965-kii, wuxuuna Dugsigii Sare kaga qalin jebiyey Dugsiga Sare ee Imaam Hatip School sannadkii 1973-kii.

Rajab Erdogan waxa uu Shahaadooyin ka helay Korsooyin Waxbarasho oo kale, wuxuuna Diploma ka qataay dugsiga Sare ee Ayuub

Sannadkii 1981-kii ayuu ka qalin jebiyey Kulliyadda Dhaqaalaha iyo CilmigaMaamulka ee Jaamacadda Marmara University oo ku taalla magaalladda Istanbuul.

Waxa uu xubin ka noqday Ururka Ardayda Turkiga (National Turkish Students’ Association).

Rajab Dayib Erdogan oo muddo 15 sanno ku soo dhex jiray Siyaasadda Waxa uu xilka Ra’isul-wasaarenimadda hayey muddadii u dhexeysay sannadihii 2003-dii ilaa 2014-kii.

Waxa uu mar soo noqday Duqa magaalladda Istanbuul sannadihii 1994-kii ilaa 1998-dii.

Rajab Dayib Erdogan waxa uu sannadkii 2001-dii asaasay Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarinta (AK Party), wuxuuna Xisbigaasi u horseeday guusha uu Xisbigaasi ka gaaray Doorashooyinkii ka dhacay dalkaasi sannadihii  2002-dii, 2007-dii iyo 2011-kii.

 

Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan inta uusan Siyaasadda soo dhex gelin waxa uu ahaa Ciyaartoy ka tirsan Naadiga  K/cagta ee Kasımpaşa Spor Kulübü oo la asaasay sannadkii 1921-kii, kana mid ahayd Kooxaha Heerka Koowaad ee Turkiga.

Nadaiga uu Erdogan ka tirsanaa waxay ka dhisan tahay Xaafadda Beyoğlu ee magaalladda 2-aad ee ugu weyn dalkaasi ee Istanbuul.

Rajab Erdogan waxa uu Nasraxa Siyqaasadda ka soo muuqday markii ay isaga iyo Cabdalla Guul asaasaeen Xisbiga Islaamiga ee AK Party sannadkii 2001-dii.

Xisbiga AK Party waxa uu ku guuleystay Doorashadii dhacday sanndkii 2002-dii, iyadoo Cabdalla Guul ku guuleystay Xilka Ra’isul-wasaaraha, wuxuuna markii dambe noqday Madaxweynaha Turkiga.

Tallaabadaasi waxay u gogol xaartay inuu Rajab Dayib Erdogan qabto xilka Ra’isul-wasaaraha bishii Maarso ee sannadkii 2003-dii ilaa 2014-kii.

Erdogan waxaa isla sannadkaasi loo doortay Madaxweynaha Turkiga, wuxuuna mar 2-aad xilkaasi ku guuleystay Doorashadii dhacday shalay oo ay taariikhdu ahayd (24-kii June ee sannadka 2018-ka).

Waxa uu bishii July 15-dii ee sannadkii 2016-kii ka badbaaday Afgembi Dhicisoobay oo ay Sarkaal Milliteri ku doonayeen inay xilka ka tuuraan Madaxweyne Erdogan, balse, Shacabka Turkiga ayaa si xooggan u difaacay Madaxweyne Erdogan.

Isku-dayga Afgembigaasi waxaa lagu dilay in ka badan 300 oo qof, iyadoo in ka badan 2,100 kalena lagu dhaawacay.

Dhismooyin Dowladeed ayaa la burburiyey, waxaana hawdaa laga soo duqeeyey Qasrigii Madaxtooyadda iyo Dhismaha Barlamaanka dalkaasi.

Waxa Afgembiga kadib la xiray ugu yaraan 40,000 oo qof oo ay ku jiraan ugu yaraan 10,000 oo Askari, 15 Shaqaale Caafimaad iyo 2,745 Garsoorayaal Maxkamadeed, iyadoo 160,000 oo shaqaale ah shaqada Dowladda laga wada cayriyey.

Dowladda Turkiga waxay Shirqoolkaasi ku eedeysay Sheekh Fatxullaahi Guleen oo masaafuris ahaan ugu nool dalka Maraykanka, balse Guleen waxa uu beeniyey inuu ku lug lahaa Afgembigaas.

Dowladda Turkiga waxay bilowday Hawlgal ilaa haatan socda, oo looga soo horjeeda Aragtida Shabakadda Fetxullahi Gulen, oo si aad ah ugu dhex milantay Milliteriga dalkaasi.

Madaxweyne Erdogan oo 64-jir waxa mar kale uu shalay ku guuleystay Doorashaddii Madaxtinimadda, wuxuuna xilkaasi sii hayn doonaa 5-ta sanno ee soo socota.

Doorashaddan waxay ka duwanayd Doorashooyinkii hore, waayo Doorashaddan waxaa markii ugu horreysay lagu doortay Madaxweyne Fulineed oo Awood leh, waxayna Turkiga ka guureen Nidaamkii hore ee uu Ra’isul-wasaaruhu ahaa Mas’uulka fulineed ee Dowladda.

Madaxweyne Erdogan waa Xaasle, aabe u ah 4 Carruur (2 wiil iyo 2 gabar), wuxuuna Awoowe u yahay ilmaha ay  Ubadkiisa sii dhaleen.

AUN Aabihiisa, Axmed Erdogan waxa uu geeriyooday sannadkii 1988-dii, halka ay Hooyadiisana Tenzile Erdogan ku geeriyootay da’da 88-aadka sannadkii 2011-kii

Qoraa Ustaad Nuradin

Turkish President Tayyip Erdogan waves to his supporters in Istanbul, Turkey June 24, 2018. REUTERS/Osman Orsal

A supporter of Turkish President Tayyip Erdogan adjusts a a Turkish flag in front of Turkey’s ruling AK Party (AKP) headquarters in Istanbul,Turkey, June 24, 2018. REUTERS/Goran Tomasevic

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor