Akhriso:-Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur oo 5 Su’aalood ka keenay jawaabtii Farmaajo ee kiiskii Qalbi Dhagax

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame kana mid ahaa musharixiintii Madaxweyne Farmaajo kula tartantay doorashadii Madxaxtinimo ee dalka ka dhacday Sanad ka hor ayaa ka hadlay jawaabta uu Madaxweyne Farmaajo ka bixiyay Dhiibistii Qalabi Dhagax.

Waxa uu shaki geliyay mudo dhowr bilood ah kadib sida uu Madaxweyne Farmaajo ku ogolaaday in wax laga weeydiiyo kiiskaas oo uu noqdo markii ugu horeysay oo uu Madaxweynaha uu ka hadlo.

“Waxaa is waydiin mudan sababta uu Madaxweyne Farmaajo u ogolaaday in uu lix bilood ka gadaal ka hadlo kiiska Qalbi-Dhagax. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in uu taageerayo go’aankii Baarlamaanka ka qaatay dhiibista Qalbi-Dhagax ayuu yiri Siyaasiga”

Sidoo kale waxa uu sheegay Siyaasiga in Baarlamaanka ay sheegeen in Qalbidhagax uu ahaa muwaadin Soomaaliyeed, dhiibistiisana ay ahayd sharci daro, Hay’ada sirdoonkana ay xog aan sugnayn siiyeen Madaxda dalka. Waxay kaloo sheegeen in aysan ONLF Urur argagexiso ahayn.

Gaba gabadii Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa su’aalahaan ku soo koobay jawaabtii uu ka bixiyay Madaxweyne Farmaajo kiiskii Dhiibistii Qalbi Dhagax.

Hadaba su’aashu waxay tahay Madaxweynaha miyuusan ogayn go’aanka Xukuumada? Muxuuse uga aamusay? Muxuu u doortay xiligan in uu ka jawaabo kiiska Qalbi-dhagax? Sidan masuuliyad ma kaga haraysaa?

Sow lama oran karo hadii Baarlamaankii iyo Madaxweynihii isku aragti noqdeeen, Maxaa Xukuumada u yaala??.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media