Akhriso: Ra’iisul wasaaraha oo Cabdi Jiinow u magacaabay xil cusub

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa waxa uu Maareeyaha Guud ee Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo kalluumeysiga u magacaabay Eng. Cabdi Jiinow Calasow.

Wareegtada ayaa u qorneyd sidan:-

Ujeeddo: Magacaabid Maareeyaha Guud ee Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo Kalluuumeysiga

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Markuu arkay: Qodobka 99aad (A), (D) iyo (G) ee Dastuurka JFS.

Markuu arkay: Qodobka 100aad= (A) iyo (D) ee Dastuurka JFS.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la xoojiyo lana dardargaliyo Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo Kalluumeysiga

Markuu arkay: Taariikh-Nololeedka, khibradda iyo aqoonta Xeebaha ee uu leeyahay

aqoonyahanka hoos ku xusan

Wuxuu xeeriyey:

Qod.1aad

Magacaabid

Eng. Cabdi Jiinow Calasow, waxaa loo magacaabay Maareeyaha Guud ee Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo kalluumeysiga, laga bilaabo taariikhda sare ku xusan.

Qod.2aad

Dhaqan-gal

Magacaabidani waxay dhaqan-gelaysaa marka uu saxiixo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka, waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah ee Dowladda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor