Akhriso:-Qodobadii ka soo baxay kulan dhexmaray Madaxweyne Waare iyo Xildhibaanada

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa  weli dareemaya culeys kaga imaanaya xildhibaanada Maamulkaas kaas oo ku aadan ansixinta Golaha Wasiirada Cusub.

Xalay Magaalada Jowhar waxaa kulan ku yeeshay Xildhibaanada Hir-Shabeelle iyo Madaxweyne Waare iyaga oo isla gorfeeyay sidii xildhibanadu u meel marin lahaayeen Golaha Wasiirada.

Mid ka mid ah xildhibaanada oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in kulankooda ay wax badan isla garteen isla markaana hadda aan sihordhac ah aan wax walbo loo faah faahin Karin.

Madaxweyne Waare oo dhawaan ku laabtay Jowhar kadib markii uu muqdishgo shirar uga qeyb galay ayaa haatan iskudayaya in Xildhibaanada uu ka qanciyo sidii ay u meel marin lahaayeen Golaha Wasiirada oo ay badi xildhibaanadu diideen markii uu Magacaabay.

Weli kulamo Gooni Gooni ah ayuu Madaxweyne Waare Jowhar kula leeyahay Xildhibaanada si uu u horgeyo Golaha Wasiirada oo aan weli la ansixin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media