Akhriso:-Qodobada Maanta looga hadli doono kulanka Baarlamaanka

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanaya Xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,kulankaas oo ay uga hadli doonaan arrimo muhiim ah oo horyaalla.

Xildhibaanada ayaa lagu wargeliyay in ay Maanta kulankaan soo xaadiraan, waxaana Ajandayaasha Maanta looga hadli doono ka mid ah isla markaana Akhrinta Koowaad wada mari doona Hindise Sharciyeedyada Waxbarashada iyo Biyaha.

Kulankii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu sheegay in arrinta ku saabsan dhiibistii Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax guddi loo saari doono kadib markii xildhibaano farabadn ay dood ka keeneen kuwaas oo ka soo tala bixiya kadibna Xildhibaanada ku soo celin doona balse taasi horay looga gudbay.

Xildhibaanada ayaa haatan isku diyaarinaya ka qeyb galka kulanka Maanta oo looga hadli doono laba Ajande.

Ammaanka wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xarunta Golaha Shacabka ayaa aad loo adkeeyay, waxana la filayaa in xildhibaanada ay siweyn uga hadlaan Hindisa Sharciyeedyada Waxbarashada iyo Biyaha.

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media