Akhriso:-Qodobada Maanta looga hadli doono Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya

Maanta waxaa Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho la filayaa in ay kulan ku yeeshaan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,iyada oo kulankooda ay uga hadli doonaan arimo dhowr ah.

Xubnaha Golaha Shacabka ayaa waxa ay Maanta ka doodi doonaan ama Ajandahooda uu yahay la dagaalanka musuq maasuqa,iyada oo loo qeybin doono Sharciga ladagaalanka Musuq maasuqa.

Kulanka waxaa Goobjoog ka noqon doona Wasiirka Wasaarada Cadaalada Soomaaliya isaga oo Baarlamaanka kahor akhrin doona Sharciga la dagaalanka Musq maasuqa.

Amaanka Wadooyinka soo gala Xarunta Golaha Shacabka iyo kuwa ka baxa ayaa  aad loo adkeeyay,waxaana haatan socda qaban qaabadii u dambeysay ee ku aadan qabsoomida kulanka Baarlamaanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media