Akhriso:-Qodobada Maanta looga hadli doono Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah kulankoodii caadiga ahaa waxa ay ku yeelan doonaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa ah u Codeynta Xisaab Xirka 2015/2016. Iyo sidoo kale u  Codeynta Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Madaxa-banaan ee la Dagaaalanka Musuqmaasuqa.

Xubnaha Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa lagu wargeliyay xalay in ay kulanka Baarlamaanka ka soo qeyb galaan si kooramka uu u buuxsamo.

Ammaanka Xarunta Golaha Shacabka ayaa aad loo adkeeyay,waxana lagu  arkayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo amniga xaqiijinaya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media