Akhriso:-Qodobada Maanta looga hadli doono kulanka Baarlamaanka Soomaaliya

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa waxa ay ku yeelan doonaan Xarunta Golaha Shacabka ee Gudaha Magaalada Muqdisho.

Kulanka Maanta ayaa la filayaa in uu hortago Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar islamarkaana xildhibaanada ay Su’aalo weeydiiyaan kadib markii uu  dhawaan ka soo laabtay dalka India..

Kulanka ayaa sidoo kale wasiirka waxaa uu xildhibaanada hortooda ka jeedin doonaa waxyaabihii u qabsoomay isaga iyo wafdigiisa intii ay ku sugnaayeen dalka India.

Warbaahinta qaarkood ayaa maalmahaan waxa ay qorayeen in wasiirka uu mooshin ka yaalo,balse xildhibaanada qaar ayaa waxa ay sheegeen in shaqadii ay qabatay Wasiiradiisa ay wax ka weeydiin doonaan oo kaliya.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media