Akhriso:-Qodobada Maanta looga hadli doono kulanka Baarlamaanka Soomaaliya

Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in Maalintii Afaraad oo xiriir ah ay kulan ku yeeshaan Xidhibaanada Golaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Kulanka Maanta ayaa waxaa la filayaa in ay hortagaan Xubnaha Guddiga  Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka,iyada oo ay su’aalo la weeydiin doonaan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Saddexdii Maalmood ee la soo dhaafay ayaa xubnaha Golaha Shacabka waxa ay yeelanayeen kulamo kala duwan,iyada oo dhawaan ay ansixiyeen Miisaaniyadda dowladda ee sanad 2017.

Amaanka Wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xarunta Golaha Shacabka ayaa aad loo adkeeyay,waxaana la arkayay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya si ay amniga u xaqiijiyaan.

Weli Xubnaha Golaha Shacabka ayaa waxaa horyaala Ajandayaal dhowr ah,oo ay ka mid yihiin Sharciga Isgaarsiinta dalka,iyo Ajandayaal kale

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media