Akhriso:-Qodobada lagu eedeeyey Naciimo Abwaan Qorane ee Maanta xukunka lagu ridday

Maxkamadda Magaalada Hargeysa Soomaaliland  ayaa maanta ku ridday xukun ah saddex sano oo xabsi Abwaanad Naciima Axmed Ibraahim oo tan iyo 27-kii Janaayo ee sanadkan ku xirneyd magaalada Hargeysa.

Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in lagu helay Naciima denbi lagu tilmaamay inay hadallo cay, iyo cambaareyn oo waxyeello ku ah Somaliland jeedisay iyadoo markaa ku sugneyd Magaalada Caasimadda ah ee muqdisho.

Xarigga Naciima ee dabayaaqadii bishii Janaayo ayaa yimid kaddib markii ay ka soo noqotey safar ay ku tagtay magaalada Muqdisho, oo ay kaga qeyb gashey barnaamij ay qabaneysay warbaahinta TEDx,balse mudo dhowr bilood ah oo ay xirneyd Maanta ugu dambeyn la xukumay.

Gudoomiyaha xarunta xuquuqul insaanka Hargeysa Guuleed Dalfac ayaa sheegay in qareennada difaacayay Abwaanad Naciima Axmed Ibraahim ay rafcaan ka qaateen xukunkan.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media