(Akhriso Qodobada) Galmudug iyo Ahlusuna oo gaaray heshiis

Sida uu sheegay Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) waxay Galmudug iyo Ahlu Sunna ay is faham ka gaareen wada hadalada uga soconaya dalka Jabuuti.

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, ayaa xaqiijiyay in labada dhinac ay isu afgarteen dhawr qodob, kuwaa oo sida uu sheegay dhawaan la soo bandhigi doono.

Qodobada ay isku afgarteen labada dhinac ayaa waxaa ka mid ah

1:- In Ahlu Sunna ay aqbashay magaca Galmudug
2:- In Ahlu Sunna ay aqbashay ku biiritaanka Galmudug
3:- In Ahlu Sunna ay xubno ku yeelato Baarlamaanka Galmudug
4:- In Ahlu Sunna ay yeelato Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Galmudug iyo Taliye-yaasha Ciidamada Nabad Suggida & Booliska Galmudug

Madaxda Ahlu Sunna iyo Galmudug, ayaa maalmahaanba dalka Jabuuti u joogay, sidii ay isugu soo dhawaan lahaayeen tas oo keentay in ay heshiiskaan gaaraan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media