Akhriso:-Nuxurka Khudbad uu Madaxweyne Farmaajo ka jeedin doono Shirweynaha Madaxda Carabta

Hoggaamiyayaasha dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ayaa la filayaa inuu goor dhow Shirweynahoodii 29-aad uga furmo magaalladda Dhahraan ee Bariga Scauudiga.

Kulankaasi oo looga hadlayo Xiisadaha ka taagan dalalka Carabta, Khatarta Iiraan iyo Qotshaha Maraykanka uu Safaaradda ugu soo rarayo magaalladda Quddus-ra la-haysto.

Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu Kulankaasi ka jeediyo Khubad uu kaga hadlayo Arrimaha Siyaasadda iyo Ammaanka Somalia iyo Aragtida DFS ee Xiisadaha ka aloosan Dunida Carabta,

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo waxaa la filayaa inuu Kulamo kala-gaar ah la yeesho qaar ka mid ah Madaxda Carbeed oo uu kala hadlayo Xoojinta Xiriirka dalalkaasi iyo sidii ay dalalkaasi taageero buuxda uga geysan lahaayeen dadaalka loogu jiro Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.

Si kastaba ha ahaatee,  Madaxweyne Farmaajo waa markii 2-aad ee uu ka qeyb galo Shirarka Madaxda Carabta tan iyo markii Madaxweynaha loo doortay xilkaasi sannadkii hore.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media