Akhriso:-Maxkamada Racfaanka G/Banaadir oo Waqti u qabatay Dhageysiga Dacwada loo heysto Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur

Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa Maanta dib u dhigtay dhageysiga dacwad loo heystay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo la filayay in ay Maanta ka dhacdo Xarunta Maxkamada.

Arrintaan ayaa daba joogtay kadib markii Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur uusan xaadirin fadhigii Maanta isla markaana uu soo saaray Warqad uu qareenamadii kala laabanayay Saddexdii qareen ee u doodeysay oo kala ahaa  Tahliil Xaaji Axmed, Qareen Cabdi kariin Maxamed Axmed iyo Qareen Aamina Xaaji Axmed.

Warqad ka soo baxday Xafiiska gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Saalax Sheekh Ibraahim Maxamed ayaa markale lagu mudeeyay in Siyaasi  Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame uu Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir u hor yimaado Arbacada soo socota oo ku beegan 3/1/2018 10: 00 Barqanimo.

Warqadaan ayaa waxaa la’ogeysiiyay Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Banaadir taliyaha ciidanka Booliiska Wadajir in ay Warqadaan u gudbiyaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame, isla markaana Xeer ilaalinta Qaranka ay ka soo qeyb gasho.

Hoos Ka Akhriso Warqada ka soo baxday Maxkada Racfaanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media