Akhriso: Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Somaaliya iyo Amiirka D/Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somaaliya Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo) oo shalay Gelinkii dambe gaaray dalka Qadar ayaa xalay kulan la qaatay Amiirka dalkaasi Qadar Ninka lagu magacaabo  Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani.

Kulanka dhexmaray labada dhinac ayaa waxa ay uga wada hadleen arimaha amniga dhaqaalaha iyo sidii dowladda Somaaliya looga taageeri lahaa dowladda Qadar oo kamid ah dowladdaha Saaxiibada dhow la ah dowladda Federaalka Somaaliya.

Dhanka kale Madaxweynaha Somaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Qadar waxa uu sidoo kale la kulmi doonaa Bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku nool dalkaasi Qadar iyo madaxda ugu sareeysa kuwaas oo kulamada intiisa badan dhici doona Caawa.

Booqashadan uu Madaxweyne Farmaajo,uu ku tagay dalka Qadar ayaa waxa ay noqoneeysaa midii 10,aad waxaana shalay uu ku sugnaa Gudaha dalka Jabuuti.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media