Akhriso:-Maxaa ka jira in Madaxweynaha Hir- Shabeelle uu aaday Imaaraadka?

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa been abuur ku tilmaamay warar saacadihii lasoo dhaafay leysla dhex marayay ee ahaa in uu aaday wadanka isutaga Imaaraadka Carabta.

Barasha Bulshada ay isticmaasho iyo Warbaahinada qaar ayaa lagu baahiyey warkaas balse uu sheegay in imaaraadka uusan aadin hadii uu aadana aysan aheyn wax dambi ah.

”Runtii wararkaas weey isoo gaareen laakin waxba kama jiraan aniga hadda waxaan joogaa kenya hadii aan imaaraadka tago dambi maahan laakin maba aadin,waxaase qorsuhu yahay in aan jimcaha kusoo laabto magalada muqdisho ayuu yiri madaxweyne Waare.

Sikastaba horay ayaa wadanka Imaaraadka Carabta waxaa u tegay qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada kuwaas oo mad madow siyaasadeed uu ka dhex jiro dowladda Soomaaliya,sidoo kalena imaaraadka uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyo madaxda dowladda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor