Akhriso:-Maxaa ka jira in dagaal lagu dilay taliyihii Ciidamada Degmada Buurhakaba?

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab waxa uu ka dhacay deegaan u dhexeeyaa degmada Buurhakaba iyo Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Dagaalkaas ayaa Warar soo baxayay waxa ay sheegayeen in uu ku geeriyooday taliyihii Ciidamada degmada Buurhakaba,balse waxaa arrinkaasi beeniyay taliye ku xigeenka Ciidanka degmada Buurhakaba Aadan Isxaaq Cali.

Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in uusan waxba ka jirin Wararkaas balse uu dagaalkaas ku geeriyooday mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee ka howlgalla Gobolka Baay.

Dhinaca kale Warar ay Baraha Internet-ka ku qoreen Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sheegeen in dagaalkii Galabta dhacay ay ku dileen taliyihii ciidamada degmada Buurhakaba Col,Cabdi Raxmaan Cismaan Abroone.

Majirto weli cid sidhab ah u xaqiijisay wararka ka soo kala baxay Saraakiisha Ciidamada degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay iyo Al-Shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media