Akhriso:-Mahad Maxamed Aadan oo lagu dilay Gobolka Bari

Rag hubeysan oo la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin Kooxda la magac baxday Daacish waxa ay Deegaanka Bali-daggan, ee Gobolka Bari Puntland ku dileen mid ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Golis.

Dadka deegaanka, ayaa waxay sheegeen in marxuumka lagu magacaabi jiray Mahad Maxamed Aadan, ay xalay Daacish si sabab la’aan ah ugu dileen Deegaanka Bali-daggan, halkaas oo ay Xarun ku leedahay shirkadda Golis.

Macada Sababta ka dambeysa dilka Ninkaas,waxana dadka deegaanka haatan soo wajahday Cabsi xooggan oo ku aadan dilka Ninkaas ka tirsan Shaqaalaha Shirkadda Golis.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka Puntland ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegeen in ay baarayaan dadkii ka dambeeyay dilka Marxuumka,waxa ayna sheegeen in Daacish si qarsoodi ah ay halkaasi ku tageen Ninkaasna ay u dileen.

Daacish ayaa dagaal kula jirta Puntland iyada oo ku sugan qeybo ka mid ah Buuraha Galgala ee gobolka Bari halka mararka qaar ay weeraraan fariisimaha Ciidamada Puntland ee Gobolkaasi Bari.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media