(Akhriso Magacyadda + Sawir): Spain oo xukun ku riday koox Burcad-baddeed Soomaali

Guddoomiyaha Darajadda Labaad ee Maxkamadda Sare ee dalka Spain, Manuel Marchena ayaa xaqiijiyey inay Maxkamadda xukun ku riday 6 Muwaadiniin Soomaali ah, kuwaasi oo ku eedeysnaa inay bishii Ocotber ee sannadkii 2012-kii rasaaseeyeen Markab lagu magacaabo Izurdia oo marayey meel ka baxsan Baddaha Somalia.

Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo Cadaawe Yuusuf Cali, Cali Cali Salaad, C/llaahi Ciise Jaamac, Yaxye Cumar Cali Xasan, Cali Maxamed Cali iyo Cali Maxamed Xersi, waxaa midkiiba lagu xukumay 16 sanno iyo bar.

Eedeysanayaasha waxaa la sheegay inay ka tirsan yihiin Koox Burcad-baddeed oo fadhigoodu dhexe ku yaallo Degmadda Xarardheere.

Dhinaca kale, Garyaqaanka Eedeysanayaasha ayaa xukunkaasi ku tilmaamay mid aan sharci ahayn, maadaama aysan Raggaasi qafaalanin Markabkaasi oo ah nooca lagu kaydiyo Kalluunka Toonaha ee laga jilaabtay Badda Somalia.

Xigash: EFE

©Radio Dalsan: 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor